Search
Monday, December 01, 2008..:: Kubadda Forum::..Register  Login
Kubadda Forum

Welcome to Kubadda Forum.

Isticmaalka boggaan Forum-ka, waxaa kuu sahlaayo, in aad buuxisid liiska Registration-ka, ee linkigiisa midigta ka muuqdo (Register)  waa FREE. Hal mar oo kaliyah ayaad u baahan tahay in aad buuxiso liiska, wixii ka danbeeyo magaca aad la baxdo iyo Password-ka aad samaysato ayaad ku soo galaysaa si gacmo furan. Adoo riixayo (Login)

          
 
SearchForum Home
  Sport  General  Yaa Ehel U Ah S...
 Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?
 
 10/24/2007 11:16:49 AM
admin
3 posts


Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?
 Modified By admin  on 10/24/2007 4:26:24 AM)

Dooda ah Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed???? 

Ee uu soo jeediyay mid ka mid ah Akhristayaasheena, codkaada ama aragtidaada ka dhiibo waxay kula tahay.

By: Mr. Abukar Abanur Mohamed

 10/25/2007 1:41:12 PM
baabaraqiis
5 posts


Re: Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?

Waxaa ehel u ah, kuwii shalay uu Sportigu soo gacan qabtay, in ay maanta badbaadiyaan, si daacad ah, iyadoon dan qaas ah ayna u qarsanayn. sida (jeebka buuxso ee ka carar).

Aragtida: Baabaraqiis

 8/25/2008 7:41:51 PM
Caano Geel
1 posts


Re: Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?
 Modified By ahmedmusse  on 10/17/2008 7:15:41 AM)

Maanta ayey joogtaa meel xasaasi ah oo isboortiga Soomaaliyeed u baahan yahay ehel iyo walaal kaddib wixii laga sameeyey Olombigii Beijing. Maxaa ka dhab ah waxaa laysla dhex marayo ee ah in shisheeye la waday, ciyaartoygii fiicnaa laga tegey ninba qofkuu doono kaxaysto.

Bahdda kubadda waxaan ka codsanayaa iney si xor ah igu ogolaadaan akhristayaashu iney aragtidooda dhiibtaan.

HA laga hadla runta??????????

 10/15/2008 5:30:38 PM
maroodi
1 posts


Re: Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?
 Modified By maroodi  on 10/15/2008 10:36:12 AM)
Sida uu Walaalkay Caano Geel, sheegay, waa run. Waxaase jiro wax, wax laga qaban karo iyo waxaan wax laga qaban Karin. Waxaan ula jeedaa maamulkii Sport, wuxuu gacanta u galay qolo yar oo aan in lala talo wadaago rabin. Waxa Soomaaliya ku bur burtayna waa dagaal iyo dad iska dhicis.
 
Mana u arko in taasi horumar lagu gaarayo. Qoloda aan ka hadlayana ma ahan kuwo raba in ay talo iyo wax qabadba la wadaagaan Umada inteeda kale.
 
Maamulka Sport, wuxuu hoos tegi jiray Wasaaradda Shaqada iyo Sportiga, waxaana jirtay dowlad looga dacwoodo marka uu qalad dhaco, balse hada Dowladii waxay ku mashquul san tahay Arimo siyaasadeed, waqtina uma hayso is jiid jiidka ka socdo Isbortiga.
 
Waxaa furan oo kaliyah in uu gadood dhaco, lana abaabulo Mudaaharaad lid looga yahay ku tagrifalka ka socda maamulkii Isboortis ee ay qolo yar oo dibada ka joogto dalka laaluush ay dhiibteen kula wareegeen taladii iyo maamulkii Isboortiga Soomaaliyeed.
 
Waxaase suaal meesha taagan ay tahay, hadii ay dhacdo in ay taladii wareejiyaan, yaan is leenahay waa u qalmaan in ay si cadaalad ah wax ugu qabtaan dalkooda. Horumarna gaarsiin kara calankaan mar kasta asagoo qaleelka ah wadamo tiro badan lala tagayo ?
 10/17/2008 4:17:08 PM
ahmedmusse
2 posts


Re: Yaa Ehel U Ah Sportga Soomaaliyeed ?
 Modified By baabaraqiis  on 10/27/2008 3:50:54 PM)
ASC, walaalayaal salaan kadib waxaan rabaa in aan ra´yigayga wax ka cabiro sida ay ila tahay waxaad moodaa waqtiyadii hore iyo waqtigaan oo hadda joogno in ay kala marxalado duwan yihiin waqtigii hore hadii aan kala qaado kontameeyadii ilaa todobaatanmeeyadii horaan teeda dadka ispoortiga ciyaara aad ayeey u yaraayeen sababta oo ah goobaha lagu ciyaaro oo cayimanaa awgeed cayaartoodii ka soo baxdayna sidoo kale aad ayay u yaraayeen.dhaliyarada kale maba ay awoodin in ay tagaan goobahaas sababa badan awgeed.

Waxii ka dan beeyay todabaatameeyadii horaan teeda markii la sameeyay degmooyin ayaa waxaa suura gashay in la helo cayaartooy aad aad u faro badan  oo matali karo amaba u ciyaaro dagmooyinka  iyo goboladaba.waxaana soo batay waqtigaas  goobihii lagu ciyaaraayay.kadibna waxaa la helay ciyaartooy badan oo u ciyaari karo kooxaha heerka koowaad galayna xulkii qaranka ilaa sagaashankii.

Haddaba waqtigaas wixii ka dan beeyay ispoortigii wuxuu noqday mid aad aad uga hooseeyo kii kontameeyadii sababta oo ah dhalinyaradii badankood qori qaatay ,ka dhoofay wadanka,jaanis u helin meelo ay ku ciyaaraan.

Garoomadii calamiga ah iyo kuwii dagmooyinka ku yaalay oo loo isticmaalo degaan milatari IWM oo badan haddaba waxay ila tahay in uu ehel u noqon karo ispootiga soomaaliyeed qofkii wax u qabta dhalin yarada ku dhibaataysan wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba .waalidiintana la wacyi galiyo si ay ciyaal kooda ciyaaraha ugu dhiiri galin laheen loona sheego ispoortiga waa kan kaa reeba saaxibka xun iyo meelaha xun xun IWM.
Ispoortiga waa kan dadka baro (GUUL AMA GUUL DARO) iyo dad la dhaqanka sida fiican anigoo ku hadlaayo magacayga iyo kan  ssifo waxaan rabnaa in aan u istaagno sii wax ugu qaban laheen dhaliyaradaas  ku dhibaataysan gudaha waddan iyo dibadiisaba, sidii aan ugu helilaheen garoomo kuwa dibadda joogo,kuwa waddanka ku noolne waxaan rabnaa in aan u dayactirno garoomada waddanka goboladiisa oo dhan. anakoo lakaashan doonno  xiriirada ciyaaraha . olimbikada somaaliya, ganacsatada somaaliyeed iyo inta ehel  u ah spoortiga soomaaliya ee ugu horeeyaan ciyaartooydii hore oo mar kasta u hiilnaa.
By : Ahmed Musse
  Sport  General  Yaa Ehel U Ah S...
          
 
Fiiro Gaar ah:
Minimize
Boggaan waa bog Sport, waxaa ka mamnuuc ah dooda Siyaasada, Qabyaalada iyo in La af lagaadeeyo Shaqsi. Qofkii isku dayana, maamulka wuxuu xaq u leeyahay in uu ka saaro magaciisa. Asna waxaa u fudud meelaha doodaas ka socoto in uu la aado, asoo raali ah.
          
 
Online
MembershipMembership:
Latest New UserLatest:ahmedmusse
New TodayNew Today:0
New YesterdayNew Yesterday:0
User CountOverall:26

People OnlinePeople Online:
VisitorsVisitors:0
MembersMembers:0
TotalTotal:0

Online NowOnline Now:
          
 
Copyright 2007 by Kubadda.com   Terms Of Use  Privacy Statement
DotNetNuke® is copyright 2002-2008 by DotNetNuke Corporation